Farmaajo: “Ciidankeennu waa geesiyaal u taagan difaaca dalka; shacabka ha garab istaagaan”

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka, isagoo sheegay in aysan jirin wax ka qaalisan nafta askariga Soomaaliyeed ee u huraya difaaca dalka iyo dadka.

Farmaajo ayaa si adag uga digay dacaayadaha ay faafinayaan kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin weerarro aan toos ahayn balse lagu beegsanayo niyadda shacabka iyo sumcadda ciidamada. Wuxuu carabka ku adkeeyay in wararka sheegaya guuldarro aysan sal iyo raad toona lahayn.

“Ciidankeennu waa geesiyaal. Waa kuwa noloshooda halis u galiya badbaadada shacabka. Bixitaanka magaalooyin qaar waa xeelad dagaal, mana ahan jab. Waa qorshe istiraatiiji ah oo lagu dhisayo awood ciidan oo waarta,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2020, xilligaasoo lagu xoreeyay magaalooyin istaraatiiji ah sida Marka, Jannaale, Bariirre iyo Sabiid. Wuxuu tilmaamay in taariikhdaas ay tusaale cad u tahay in ciidan mideysan oo heysta taageerada shacabka uu guul gaaro.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ciidanooda la garab istaagaan — hadal, ficil, iyo qalbi. Waa waqtigii aan la dhihi lahayn: hal askari waa hal qaran,” ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, Farmaajo wuxuu farriin dhiirrigelin ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay ka mid noqdaan Ciidamada Qaranka si ay uga qayb qaataan difaaca dalka, kana hortagaan kuwa doonaya in ay burburiyaan mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM