Farmaajo oo Si Kulul U Dhaliilay Ansixinta Habraaca Wax Ka Beddelka Dastuurka Soomaaliya

Image

Doha, Qatar (GO) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u dhaliilay tallaabada uu Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyay Qaraarka Habraaca wax ka beddelka Dastuurka, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “nasiib darro weyn” oo ku timid midnimada dadka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida hoggaanka dowladda uu uga meermeersanayo inuu si wax ku ool ah uga hortago wax uu ugu yeeray “damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya”.

Qoraalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Guddoonka Baarlamaanka lagu eedeeyay inay hareer mareen xeer hoosaadka aqalka, gaar ahaan qodobka 90-aad, kaas oo dhigaya in xeer kasta oo aqrinta saddexaad soo mara loo qaybiyo xildhibaannada, iyadoo la siiyo muddo saddex maalmood ah si ay u soo aqristaan. Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

Intii uu xilka hayey, Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyay muddo kororsi sharci darro ah, taas oo muran badan dhalisay kuna xadgudubtay Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Tani waxay abuurtay xiisado siyaasadeed iyo khilaafyo dastuuri ah oo saameyn weyn ku yeeshay xasiloonida dalka.

Farmaajo ayaa ku booriyay madaxda dowladda iyo Baarlamaanka inay dhegaystaan baaqyada kala duwan ee ka imaanaya Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka, si loo helo dib u eegis dastuur oo ku dhisan heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka digay in dalku uu xamili karin “kala qoqob hor leh” iyo “ku takri-fal awoodeed” oo ay sameeyaan kooxo gaar ah, taas oo uu tilmaamay inay tahay khatar ku soo fool leh midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM