Farmaajo oo taageeray shirkii uu iclaamiyay madaxwayne Deni

Image
Madaxwaynihii hore Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu fariin u diray Xildhibaanada labada gole.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa baraha uu ku leeyahay Facebook iyo X ku soo bandhigay qoraal uu ku tageerayo shirka uu ku baaqay Madaxweynaha dib loo doortey ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha hortabinta leh ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay “Kulankii ugu danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaanu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab-dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka.”

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya inay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.”

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsaneyn inta uu shirka socdo, gaar ahaan kuwa la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM