Fiqi: Itoobiya waxay 2007 illaa 2008 Muqdisho ku dishay 20-kun qof

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir jaraa'id.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Itoobiya ku eedeeyay in mudadii u dhaxeysay 2007-2008 ay Muqdisho ku dileen dad ka badan 20-kun qof, ku barakiciyeen 800-kun ayna ku burburiyeen hanti fara badan.

Fiqi oo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtey xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin marmarsiyada Itoobiya ee ah in ay dhiig u daadisay nabada Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiir Fiqi ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu dadkiisa si nabad ah ugu raadiyo marin-badeed balse uusan colaad u horseedi.

Dhanka kake, wasiir Fiqi waxa uu meesha ka saarey in aysan jiri doonin dal si qasab ah uga mid noqon kara howlgalka cusub ee lagu waddo in Soomaaliya ka bilowdo sanadka 2025-ka.

"Laga bilaabo Jan 2025, howlgalka ATMIS ka dambeeya ee AUSSOM waxa uu mudnaan siin doonaa dahafka waddanka martida loo yahay. Sida ku cad go'aamada Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, dalka martida loo yahay ayaa yeelan doona go'aanka kama dambaysta ah ee xulashada xubnaha. Ma jiri doono waddan si qasab ah uga mid noqon doona. Soomaaliya waxay u madax-banaanaan doontaa nidaamkan," ayuu yiri.

Sikastaba ha haatee, hadalkan ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii wadahadalada Turkiga garwadeenka ka ahaa ee labada dal la doonayay in loogu kala dab-qaado ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan markii dhinacyada is-faham buuxa gaari waayeen.

GARWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM