Fiqi oo dalbaday inuu la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maclin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa codsi u diray dhigiisa Suuriya Asaad Al-Shaibani oo uu ka dalbadey inuu la kulmo, si ay uga wada-hadlaan xiriirka labada dalka kadib markii la riday dowladdii Bashaar Al-Asad bishii hore.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Al Jasiira ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka xiriirka labada dal. Waxa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay aad u daneyneyso in ay “kulan is-afgarad ah” la yeelato Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Syria, Asaad Hassan al-Shaybani, si ay uga wadahadlaan iskaashi iyo danaha labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale iftiimiyay is garabsiga taariikhiga ah ee Suuriya ay la leedahay Soomaaliya xilli xasaasi ah oo taariikhda qaranka Geeska Afrika ku yaala.

“Suuriya waxay ahayd dalka kaliya ee Carbeed ee u ogolaaday dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga inay Dalkooda ku galaan Dal-ku-gal la’aan kadib Burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxayna soo dhaweysay Muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu xusay Fiqi.

Muujinta niyad wanaaga iyo garab istaaga Syria ee xiliga ay Soomaaliya u baahan tahay waxa ay ku reebtay raad aad u dheer, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhawaanahan waday wacyigelin ay ka tarjumeyso sida ay u dooneyso dib u soo nooleynta iyo xoojinta xiriirkaas.

Marka ay labada ummadood dhex maraan cutubyo cusub oo taariikhdooda ah, ka-qaybgalkan waxa loo arkaa tallaabo rajo leh oo loo qaaday iskaashi qoto dheer iyo midnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM