Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maclin Fiqi, ayaa khudbadii uu ka jeediyay munaasabad uu ku wareejinayay xilka wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Soomaaliya u mamnuucday Baasaboorka Taiwan booqasho wasiirka arrimaha dibadda Jaziiradda ku imaan lahaa Somaliland, uu u xoojiyo qorshaha gooni-u-goosadka gobolka.

Fiqi wuxuu kaloo sheegay in Taiwan ay halis ku ahayd midnimada dalka, isagoo ku eedeeyay inay tababartay Ciidamo katirsan militeriga Somaliland oo ka qeyb-qaatey dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, kuwaasoo shacab badan lagu dilay 2023.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Fiqi ayaa beeniyay in Shiinaha uu ku cadaadiyay dowladda Soomaaliya go'aanka mamnuucista baasaboorka Taiwan, isagoo ku dooday in cid walka oo khatar ku ah madax-banaanida iyo midnimada si isku mid ah ula dagaalamayaan.

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadda, oo wadanka loo gacan geliyay dalal dano gaar ah ka leh, sida Turkiga, Masar iyo kuwa kale, oo madaxda sare xiriir dhaw la leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa u saxiixday Turkiga sanadkii hore heshiiska shidaal oo ku helayso 90% dhaqaalaha laga helo Gaaska iyo Saliida laga soo saarayo xeebaha dalka, iyadoo taasi shacabka aad uga hor-yimaadeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM