Fiqi: Waa albaab noo furan in aan xiriir la yeelano Jabhadaha Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ayaa hadalkan si furan ugu dhawaaqay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka fiirsan doonto in ay xiriir la sameyso oo ay taageerto jabhadaha ka dagaallamaya Itoobiya haddii dowladda Itoobiya ay ku dhaqaaqdo oo ay isku daydo fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka jawaabayey su’aal lagu weydiiyey barnaamij dood ah oo ka baxa telefishinka maxaliga ah ee Universal 12-kii Sept.

"Doorashada xiriir lala yeesho fallaagada hubeysan ee Itoobiya ama fallaagada dagaalka kula jirta taliska Itoobiya - haddii ay sidan ku sii socoto, in lala xiriiriyo iyaga waa ikhtiyaar u furan Soomaaliya, waa albaab noo furan," ayuu yiri.

Balse, Fiqi ayaa ku adkeystay in xaaladdu aysan weli gaarin heerkaas ayna qiimeyn doonaa waxyaabaha iska badala hab-dhaqanka maamulka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

“Laakiin wali ma aanan gaarin heerkaas, waxaa jirta rajo ah in xal la heli doono. Laakin waa dariiq inoo furan. Laakiin taasi waxay iman doontaa marka ay sii wadaan cadaawadooda, oo ay isku dayaan inay fuliyaan waxa loogu yeeray heshiiska,” ayuu xusay.

Wasiirka ayaa waxaa la weydiyay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ah in ay xiriir la sameyso kooxda TPLF taasoo haatan uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Abiy Axmed.

“Arrintaas waan ka wada hadalnay, laakiin xilligan burburka Itoobiya dani uguma jirto Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika. Laakiin haddii ay sii wadaan [taageeridda] kuwa ka soo horjeeda Soomaaliya iyo kooxaha gooni-goosadka ah ee ay heshiisyada la saxiixdeen, waa arrin noo dookh ah,” ayuu carabka ku dhuftey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM