Fiqi: Waa u ogolaanay Itoobiya badda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi ayaa isagoo ku sugan Masar ku dhawaaqay inay dowladda Federaalka Itoobiya u ogolaatay marinka badda cas kadib heshiiskii Ankara ka dhacay 11-kii bishan.

Isagoo la hadlayay TV maxali ah, ayuu yiri wasiirka: “Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,”.

Wuxuu kaloo sheegay in Itoobiya aysan dano ka baxsan inta loo ogol yahay ka sameyn karin badda Soomaaliya, sida inay saldhig Ciidan ka dhisato, ama arrimo kale oo militeri inay ka fuliso. Tani waxay imaanaysaa xili Masar ayaa diidan tahay in Itoobiya gaarto Badda Cas, taasoo siinaysa saameyn dhaqaale iyo mid diblomaasi.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay inay dhisanayso Ciidan badeed, oo saldhig lahayn, balse Abiy Axmed uu sheegay inay xoog ama xeelad ku raadinayaan bad ay leeyihiin. Lama oga halka dowladda Soomaaliya badda ka siinayso Itoobiya.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Addis Ababa oo arrimaha badda iyo heshiiska kala hadlaya madaxda Itoobiya, waxaana muuqatada inuu isbedelay go'aankii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadanaa arinta badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM