Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo la wadaagay warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda ka jirta gobollada SSC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska.

Kulankan oo dhacay xilli hoggaamiyuhu weli ku sugan yahay magaalada Muqdisho, ayaa qeyb ka ah kulamo uu la yeelanayo madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiin caalami ah. Firdhiye ayaa si cad u muujiyay sida ay SSC-Khaatumo uga go’an tahay in ay noqoto qeyb buuxda ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha sida uu mar walba u garab taagan yahay dhismaha maamulka SSC-Khaatumo. Tani waa tallaabo muujinaysa in la garowsaday baahida deegaanka iyo rabitaanka shacabka,” ayuu yiri hoggaamiyuhu.

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

Intii uu ku sugnaa caasimadda, Firdhiye wuxuu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, isagoo sidoo kale kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa taageerada dhaqaale, mid amni iyo mid siyaasadeed ee SSC-Khaatumo.

Firdhiye ayaa dhawaan ka qeybgalay markii ugu horeysay shirka Gollaha Wadatashiga Qaran kadib markii dowladda Federaalka maamul Federaalka katirsan u aqoonsatay SSC-Khaatumo, kadib booqashadii Xamse ee Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM