Furitaanka Kalfadhiga 5-aad baarlamaanka Soomaaliya oo laga shiray

Image
Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay ajendahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyo guddoomiye Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta yeeshay kulan wadatashi ah oo looga arrinsaday dardar galinta howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo furitaanka Kalfadhiga 5-aad oo ay horyaalaan shuruuc badan oo aas-aas u ah dowladnimada yo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Kulanka waxaa kaloo goobjoog ahaa hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo xoghayaha guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM