Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in laga qaaday xayiraaddii saarneyd duulimaadyadii u socday magaalada Doolow ee gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in diyaaradaha rayidka ah ay mar kale si rasmi ah ugu safri karaan magaaladaasi laga bilaabo 11-ka May 2025.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa lagu sheegay in garoonka degmada Doolow dib loo furay kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda amni ee deegaanka, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo baahida bulshada ku dhaqan gobolka Gedo iyo u diyaar garowga socdaallada xajka ee soo socda.

Garoonka ayaa xirmay bishii Diseembar ee sanadkii hore kadib markii la sheegay in diyaaradda Halla Airlines oo duulimaadkeedu ahaa Muqdisho–Kismaayo–Muqdisho si qasab ah looga dejiyay garoonka Doolow, taasoo lagu tilmaamay mid baalmarsan sharciga duulista hawada ee dalka. Arrintan ayaa sababtay in la hakiyo dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoonkaasi ilaa laga xaqiijinayo sugnaanta amniga.

Wasiirka ayaa xusay in maamulka degmada Doolow iyo laamaha ammaanka ee gobolka ay balan qaadeen ilaalinta amniga garoonka iyo in la iska kaashado wax kasta oo keeni kara khatar amni, taasoo gogol xaar u noqotay in la qaado xayiraadda duulimaadyada.

“Dib u furista garoonka Doolow waxay muhiim u tahay isku socodka bulshada, gaar ahaan dadka u safraya arrimo caafimaad iyo ganacsi,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad iyo socdaalka ganacsiga, iyadoo maamulka Jubaland horey ugu eedeeyay dowladda dhexe inay si ula kac ah u xanibtay isu socodka shacabka si ay cadaadis siyaasadeed ugu saarto.

Dib u furista garoonka ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim u ah fududeynta isku socodka dadka iyo kor u qaadista wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Dowladaha Federaalka iyo Jubaland Oo Fashilmay

Kuma eka Jubaland oo keliya; Xasan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    06-10-2025

  • 10:31AM

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM