Go’aanka Golaha Wasiirada XFS ee xiritaanka Qunsuliyadaha Itoobiya ma dhaqan gali karaa?

Image
Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qaraar in la xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah Itoobiya.

Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qaraar in muddo abduuc ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland, isla markaana dalka laga celiyo Safiirka Itoobiya si uu la tashi ula yeesho xukuumadiisa, ka dib heshiis ay Itoobiya dhawaan la geshay dowladda Puntland.

Go’aankan ayaa waxaa daba socday muran ku saabsan suurtagalnimada dhaqangelintiisa, maadaama labada maamul ay dhaqmayaan sida dowlad madaxbaanaan, iyaga oo xuskanaya Dastuurka u degsan.

Inkastoo xiriirka dibadda uu yahay mid ka mid ah shaqooyinka dowladda federaalka, haddana go’aanka Puntland ee kalsoonida loogala laabtay ayaa awood u siinaysa inay qaadato doorkaas.

Sidaa darteed, waxaa la rumeysan yahay in labada dhinac (Itoobiya & Maamulada) aysan midkoodna u hoggaansami doonin go’aanka ay soo saartay dowladda Federaalka, kaasoo sida ay qabaan dadka siyaasadda u dhuun daloola aan lagu saleyn waaqica jira.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM