Golaha Ammaanka oo ka gaabsaday khilaafka Soomaaliya & Itoobiya

Image
Dowladda ayaa wali wadda dadaallo ay kaga soo horjeedo heshiis beenaadkii Itoobiya-Somaliland.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku xalliyaan khilaafkooda Dalladaha urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in dawladda Itoobiya ay IGAD ka codsatay in la qabto shir deg-deg ah oo lagaga hadlayo khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya, iyo xaqiiqada heshiiska is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland.

IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah ka soo saarin Codsiga Itoobiya, sidoo kale golaha ammaanka ma uusan shaacin go’aamadii ka soo baxay shirkii 29-kii Janaayo ee ku saabsanaa ammaanka Afrika iyo muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ka codsatay inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo ay kaga jawaabayaan heshiiska Itoobiya iyo maamulka Somaliland, iyadoo la cuskanayo qodobka 35-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wadda dadaallo diblumaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedo heshiis beenaadkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, inkastoo labada dhinacba ay qaboojiyeen hadallada ay is dhaafsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM