Golaha Shacabka oo meelmariyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025

Image
Waxaa ogolaayay 172 Xildhibaan 2 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda shanaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenadda Baarlamaanka labadiisa aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025 oo uu Golaha horgeeyay Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee miisaaniyadda 2025 Xildhibaanadda la wadaagay Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox) oo ah xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

Intaasi dib Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo hab gacan taag ah ugu codeeyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 ayaa waxaa ogolaayay 172 Xildhibaan 2 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda ee sanadka 2025.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM