Golaha Shacabka oo meelmariyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025

Image
Waxaa ogolaayay 172 Xildhibaan 2 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda shanaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenadda Baarlamaanka labadiisa aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025 oo uu Golaha horgeeyay Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee miisaaniyadda 2025 Xildhibaanadda la wadaagay Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox) oo ah xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

Intaasi dib Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo hab gacan taag ah ugu codeeyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 ayaa waxaa ogolaayay 172 Xildhibaan 2 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda ee sanadka 2025.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM