Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM