Golaha Wasiirada oo ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi

Image
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada lagu sifeynayo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM