Golaha Wasiirada oo wada qorshe xil ka qaadis iyo magacaabis

Image
Waxaa si weyn loo sugayaa waxa ka soo bixi doona dhirka Golaha Wasiirada ee saacadaha soo socda

Muqdisho, Soomaaliya - Warar ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay maanta doonayaan in ay magacaabaan xilal muhiim ah oo uu ugu horeeyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, iyo in la buuxiyo kuraasta banaan ee Golaha Wasiirada.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in Mahad Salaad, uu iska-casiley Xilka Agaasimaha Hay'adda NISA, waxaana la filayaa in Shirka Golaha Wasiiradda loogo dhawaaqo Agaasimaha Cusub.

Warkan ayaa xaqiijinaya in Golaha Wasiirada ay damacsan yihiin in Cabdallahi Maxamed Cali Sanbaloolshe loo magacaabayo Taliyaha Nabadsugida. Sanbaloolshe ayaa sanadkii 2014 soo qabtay xilkaas, ka dib dib u habeyn lagu sameeyay hay’adaha amniga wuxuuna beddelay Bashiir Maxamed Jaamac.

Dhanka kale, shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu dhawaaqo Wasiirada la wareegi doona xilalka Wasaaradaha ee banaan, iyadoo la filayo in Cali Yusuf (Cali Xoosh) iyo Senator Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag ay ku biiraan Xukuumada.

Labadan wasiir ayaa buuxin doona boosaskii wasaaradaha arrimaha dibadda iyo amniga oo muddo bannaanaa, sida ay wararku sheegayaan.

Inkastoo ay suuragal tahay in tallaabadan dib loo dhigo illaa Ciidda kaddib, haddana isbeddelladan ayaa haddii la sameeyo waxay imaanayaan ka dib markii la ansixiyay cutubyada ugu horreeya ee dastuurka.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM