Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay Shiinaha

Image
Shirka waxaa guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM