Guddi kormeeray dekeada Muqdisho xilli cabashooyin ka jiraan

Image
Guddiga ayaa kormeer ku soo maray xafiiska Hay,ada tayo dhowrka s Soomaaliyeed waxa uuna wax ka weeydiiyay su’aallo la xiriira Cabashooyinka Ganacsatada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iskaashiga caalamiga iyo la xisaabtanka hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekada Muqdisho, waxa uuna kormeerka guddiga ku saabsanaa mooshiinkii ama soo jeedintii Xildhibaanada Golaha Shacabka uga doodayeen Canshuurta Iibka iyo Cabashadii ganacsatada.

Ugu horeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo su’aalo laga waydiiyey cashuuraha iyo Lacagaha ay cabashada ka jirto.

Sidoo kale Guddigo ayaa kormeer ku soo maray xafiiska Hay,ada tayo dhowrka s
Soomaaliyeed waxa uuna wax ka weeydiiyay su.aallo la xiriira Cabashooyinka Ganacsatada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux iyo Xubnaha Guddiga ayaa wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la shaqeysa ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM