Hay’adda King Salmaan oo dalka keentay Gargaar loogu talo galay danyarta

Image
Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda.

Muqdisho, Soomaaliya - Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruuca Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda ayaa gaarsiin doonta dadka danyarta ah ee Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir Raashin dhan 646 Ton.

Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda Gargaarka ee King Salmaan kaas oo ay ku taageerto Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa uga mahadcelisay Haya’adda Gargaarka King Salmaan taageerada ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed kuwooda nugul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM