Hay'adda NISA oo sheegatay qabashada xubno kamid ahaa kooxda AS

Image
Xubnaha la qabtay ayaa waxaa la sheegay in ay qirteen fal dambiyeedka lagu soo qabtay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda nabad-sugida iyo sidrdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegatay in ay qabatay xubno kamid ahaa maleyshiyada Al-Shabaab gaar ahaan qeybta sirdoonka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA NISA

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood oo khawaarijta u qaabilsanaa qeybta sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta dhagar qabeyaashan isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Khawaarijtu ku dhibaateyso shacabka.

Labada dhagar qabe ee la qabtay ayaa kala ah dhagar-qabe Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Khawaarijta u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Khawaarijtu ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM