Hay'adda NISA oo sheegatay qabashada xubno kamid ahaa kooxda AS

Image
Xubnaha la qabtay ayaa waxaa la sheegay in ay qirteen fal dambiyeedka lagu soo qabtay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda nabad-sugida iyo sidrdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegatay in ay qabatay xubno kamid ahaa maleyshiyada Al-Shabaab gaar ahaan qeybta sirdoonka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA NISA

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood oo khawaarijta u qaabilsanaa qeybta sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta dhagar qabeyaashan isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Khawaarijtu ku dhibaateyso shacabka.

Labada dhagar qabe ee la qabtay ayaa kala ah dhagar-qabe Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Khawaarijta u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Khawaarijtu ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM