Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Image

Muqdishu (GO) - Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay wajahayo khilaaf siyaasadeed oo horseedi kara kala jab iyo burbur gudaha ah.

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku jirtay xaalad siyaasadeed oo cakiran kadib isku day fashilmay oo ay madaxda sare ee dowladda Federaalka – Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha – ku doonayeen in xilka taliyaha NISA dib loogu celiyo Mahad Salaad, agaasimihii hore.

Mahad Salaad, oo horey xilkan u soo qabtay, ayaa la sheegay inuu bilaabay faragelin toos ah oo ku wajahan howlaha hay’adda kadib markii qorshihii Villa Soomaaliya ku dooneysey in lagu beddelo Sanbalooshe uusan hirgelin. Tani waxay sababtay in shaqadii hay’adda ay gaabis ku timaaddo, iyadoo qaar kamid ah saraakiisha sare ee hay’adda ay si cad u diideen inay ka amar qaataan agaasime Sanabalooshe.

Xogaha laga helayo ilo amni ayaa sidoo kale muujinaya in Sanbalooshe uu hadda ku maqan yahay howlgal militari oo ka socda gobolka Hiiraan, taasoo fursad siisay kooxo taageero u ah Mahad Salaad inay si hoose u maamulaan arrimo muhiim ah oo gudaha NISA ah.

Mid kamid ah dhacdooyinka muujinaya kala fogaanta iyo kala amarqaadashada gudaha hay’adda ayaa ah xarigga dhowaan lagula kacay tiro wariyeyaal ah oo ka howlgalayey magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xariggaasi uu dhacay iyadoo aan oggolaansho laga heysan agaasimaha rasmiga ah, balse lagu fuliyay amar ka yimid saraakiil daacad u ah Mahad Salaad.

Hay’adda NISA ayaa sannadihii dambe la siyaasadeeyay, iyadoo hoggaankeeda uu mar walba la safnaa Villa Soomaaliya. Tan iyo 2017, agaasimeyaasha hay’adda ayaa inta badan ahaa xulufo siyaasadeed oo si gaar ah ugu tiirsan Madaxtooyada, taasoo keentay in hay’addu lumiso dhexdhexaadnimadeedii amni.

Haddii xaaladdan ay sii socoto, waxay khatar weyn ku tahay howlgallada amni ee Hay'adda, waxaana laga cabsi qabaa in NISA ay si rasmi ah u kala jabto hadii aan xal laga gaarin. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM