Hogaamiyihii siyaasadda Xamaas oo lagu dilay gudaha Iiraan

Image

DOHA, Qatar - Dhaqdhaqaaqa Falastiin ee Xamaas ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyahoodii siyaasadda, Ismaaciil Haniya lagu dilay caasimadda Iran ee Tahraan.

War kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Haniya lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka degganaa magaalada Tahraan.

Sida laga soo xigtay kooxda, Haniyeh ayaa dhintay ka dib markii uu ka qayb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Mascuud Pezeshkian oo la dhaariyay Talaadadii shalay.

AUH Haniya waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Shaati ee Qasa, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Casqalan kadib markii la aasaasay dawlada Israa’iil sannadkii 1948-kii, waxa uu wax ku bartay machadka al-Azhar ee Qasa, kadibna waxa uu wax ka bartay jaamacada Islaamiga ah ee Qasa.

Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983kii, waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa dhismaha Xamaas.

Haniyeh ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, wuxuu ka baxay marinka Qasa ka dib markii uu la kulmay musaafurin iyo isku day dil. Horraantii sannadkan, weerar ay Israa'iil ka geysatay waqooyiga Qasa, waxay ku dishay saddex ka mid ah wiilashiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kuma Nihin"

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu kusoo biiro xal-u-raadinta Mushkiladaha haysta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:45AM

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM