Horjoogeyaal ka tirsan "AS" oo lagu dilay magaalada Buq-aqable

Image
Xubnahan ayaa la beegsaday ka dib markii ay tababar ku dhammaysteen magaalada Buq-aqable.

Buq-aqable, Soomaaliya - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa magaalada Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ka fulisay hawlgal lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsanaa “AS’.

Xubnahan ayaa la beegsaday ka dib markii ay tababar ku dhammaysteen magaalada Buq-aqable.

Hay’adda NISA ayaa warmurtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalkan oo la fuliyay 28-kii bishan Janaayo ayaa lagu dilay horjoogeyaal muddo lagu raad joogay.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa markasta ka go'an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.”

Waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii la dilay:

1- Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo “AS” u qaabilsanaa Maaliyadda Degmada Jalalaqsi.
2- Buulle Kabey oo “AS” u qaabilsanaa Gaadiidka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
3- Maxamed Abuukar oo “AS” u qaabilsanaa Maaliyadda magaalada Ceel-Cali Gobolka Hiiraan.
4-Cabdisalaan oo “AS” u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe.
5- Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaro AS u taala magaalada Shaw ee Gobolka Hiiraan.
6- Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qaybaha maaliyadda ee ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM