Howlgal dhanka Cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan ‘AS’

Image
Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay 4 ka tirsan 'AS'

Kismaayo, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ku qaadeen fariisin ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay 4 ka tirsan AS, waxaana howlgalkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay, inay ka go’an tahay ka hortagga Kooxda “AS”, iyo la shaqeynta saaxiibada caalamka oo uu ku jiro Mareykanka, si loo gaaro xasillooni ka dhalata Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM