Howlgelinta Ilaalada Xeebaha Boliiska ee amniga Badda Soomaaliya oo laga shiray

Image
Xubnahan waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Xafiiska Maalgelinta ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Mrs Sabrina BAZZANELLA.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madax ka socotay Midowga Yurub ayaa maanta booqasho rasmi ku yimid Xarunta Ilaalada Xeebaha ee Boliiska ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Boliiska G/Sare, Bashiir Cabdi Qaasim.

Xubnahan oo kala ahaa Madaxa Xafiiska Maalgelinta ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Mrs Sabrina BAZZANELLA iyo Wakiilka Sare ee ku xigeenka Yurub ee Soomaaliya ayaa u kuur galayay mashaariicda ay taageerto Xafiiska Maalgelinta Shisheeyee iyo sahminta hindisayaasha lagu kobcinayo awoodda hawlgelinta Ilaaladaba Xeebaha Boliiska ee amniga Badda Soomaaliya.

Sidoo kale, khubaro dhanka badda ah oo ka socday Midowga Yurub iyo wakiillo muhiim ah oo ka socda Ergada Midowga Yurub Somalia (EUCAP), Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeegayada Mashaariicda (UNOPS), iyo hay’adaha kale ayaa sidoo kale booqday xarunta Xarunta Ilaalada Xeebaha ee Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Waxeyna diirada saarayeen horumarka mashaariicda la dhammaystiray iyo fursadaha cusub in looga faa'ideysto, si loo sii xoojiyo awoodaha hawlgelinta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM