Hubanti La'aan hareysay Shirka Wadatashiga Qaranka Kadib Dib-u-Dhacyo iyo Ka-Qaybgal La’aan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo markii hore la qorsheeyay inuu furmo 1-da May, kadibna dib loogu dhigay 5-ta May, ayaa markale dib u dhacay sababo la xiriira ka maqnaanshaha madaxda muhiimka ah ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Ilaa hadda, waxaa Muqdisho jooga oo kaliya hoggaamiyeyaasha SSC-Khaatumo, Firdhiye, iyo HirShabelle.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed weli ma aysan imaan caasimadda, iyadoo wararku sheegayaan in ay iman doonaan subaxnimada berri. Dhinaca kale, madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u caddeeyay inaysan shirka ka qaybgalaynin.

Dib u dhaca shirka ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Labadan maamul ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay jebisay dastuurka, islamarkaana aysan u heellanayn in si dhab ah looga wadahadlo arrimaha taagan ee la xiriira doorashooyinka soo socda, amniga iyo awood qeybsiga dalka.

Inkasta oo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, uu waday dadaallo lagu qancinayo madaxda Puntland iyo Jubbaland in ay shirka ka qaybgalaan, haddana dadaalladaasi waa ay fashilmeen.

Shirka Wadatashiga Qaranka oo la aasaasay 2017-kii ayaa ahaa madal muhiim ah oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo maamulka dalka, iyadoo lagu talagalay in lagu mideeyo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, ayaa noqday mid xun sannadihii u dambeeyay.

Kalsooni darrada sii kordheysa waxay salka ku haysaa khilaafaad la xiriira hirgelinta nidaamka federaalka, habraacyada doorashooyinka iyo qorshayaasha amniga. Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ka cawday in dowladda Federaalka ay iska indhatirtay baaqyada beesha caalamka ee ku saabsan in la qabto shir qaran oo dhan walba laga qeybgeliyo, oo ay ku jiraan bulshada rayidka ah iyo mucaaradka.

Garowe Online

Related Articles

Wadahadalladii Dowladaha Federaalka iyo Jubaland Oo Fashilmay

Kuma eka Jubaland oo keliya; Xasan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    06-10-2025

  • 10:31AM

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM