Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Image
Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuqaallo si weyn ugu faafay internet-ka ayaa muujiyey agabka dowladda Imaaraadka Carabta oo laga rarayo xerada Jeneraal Gordan ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Illaa haatan, ma jirto cid ka tirsan dowladda federaalka ama xukuumadda Abu Dhabi oo sharaxaad ka bixisay sababta ama ujeedada ka dambeysa talaabadan iyo nooca alaabta la qaadayo.

Falcelin badan oo dhanka baraha bulshadda ah ayaa ka dhalatay muuqaalkan la xaqiijiyey inuu sax yahay. Dadka qaarkood waxay ku macnaayeen in Imaaraadka uu albaabada u laabay kaalintiisa saldhigan.

Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Waaxda Warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya si wax looga waydiiyo dhacdadan ayaanan guuleysan.

Hase ahaatee, warar kale oo laga helay illo ku dhow dowladda waxa ay xaqiijiyeen in agabkan ay yihiin gaadiid duug ah oo horey ay u isticmaali jirtay Safaaradda Imaaraadka ee magaaladda Muqdisho.

"Baabuurtan waxaa dib loogu qaadayaa Imaaraadka Carabta iyadda oo uu qaadi doono markab fadhiya dekadda magaalada Muqdisho," ayuu Garowe Online u sheegay hal illo wareed loo qaateen ah.

Dhacdadan ayaa waxa ay kusoo beegantay iyadda oo uu si weyn hoos ugu dhacay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka tan iyo markii sanadkii hore xeradan lagu dhex-dilay saraakiil sarre oo Imaaraati ah.

Xerada tababbarka Imaaraadku waa mid shaqaynaysa inkasta oo aanay si wax u ool ah u shaqeynin tan iyo markii la dilay tababarayaashii Imaaraadka Carabta bishii February 2024-kii.

"Haddii baabuurtan looga tago ama lagu dhaafo gudaha Xerada waxay u gacan geli karaan Al-Shabaab oo u adeegsan karta weerarada is-miidaaminta," ayay sheegeen falanqeeyeyaasha ammaanka.

Al-Shabaab ayaa ka dambeysay weerarka lagu dilay saraakiisha Imaaraadka Carabta iyadda oo isticmaashay askari horey uga soo goostay kooxda argagixisadda ah balse aanan la marsiinin hanaanka dhaqan-celinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM