In ka badan 100 Xildhibaan oo diiday go'aanka Abiib looga saarey Baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 100 xildhibaan ayaa si adag u cambaareeyay xasaanad ka qaadista xildhibaan Cabdullaahi Abiib, iyagoo ku tilmaamay go'aanka Guddoomiyaha Shacabka inuu yahay mid ka dhan ah dastuurka dalka, waana ku takri-falay awoodeed.

Xildhibaannadu waxay ku doodayaan in tallaabadaasi ay jebinayso xeerarka sharciga Soomaaliya, isla markaana dhaawac u geysaneyso dadaallada dib u dhiska hay'adaha dowliga ee ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sabtidii hore soo saaray amarka ka saarista Cabdullaahi Abib Baarlamaanka, isagoo sheegay in kursigiisu banaan yahay. Wuxuu sabab uga dhigay go'aanka in Abiib uusan soo xaadirin labo kal-fadhi oo Gollaha Shacabka yeeshay.

Xildhibaannada ayaa ku dooday in Guddoomiyaha uu ka baxay xadkiisa gudoominta Gollaha Shacabka, waxayna sheegeen in go’aan noocan ah u baahan yahay ansixin Baarlamaan iyo raacitaanka habraaca sharciga ee la dejiyay.

Xildhibaannada diidan go’aankan waxay tilmaameen in ka qaadista kursiga Xildhibaan Abiib aanu waafaqsaneyn dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka Baarlamaanka. Abiib oo laga soo doortay gobollada waqooyi ayaa naftiisa khatar soo wajahday markii uu soo bandhigay musuq-maasuqa dowladda.

Xildhibaan Abiib ayaa qoraallo badan ka qoray musuq-maasuqa ka dhex-jira dowladda, isagoo la wadaagey Mareykanka iyo dowladaha deeqaha dhaqaale siiya Soomaaliya, kuwaasoo ogaadey in mashaariic badan oo bangiga Adduunka ka timid la leexsadey, islamarkaana ku dhaceen lacagaha jeebabka shaqsiyaadka awoodda haysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM