In ka badan 30 qof oo kuleyl dartiisa ugu dhintay waqooyiga Hindiya

Image
Magdhow lacageed oo dhan 1.5 milyan rupees [$18,000] ayaa la siin doonaa qoysaska dadka dhintay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 33 qof ayaa kuleyl dartiisa ugu geeriyoodey gobolka ku yaalla woqooyiga dalka Hindiya ee Uttar Pradesh, sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan hay'adaha dowladda.

Navdeep Rinwa, oo ah madaxa doorashada ee gobolka halkaasoo ay codbixintii wajigii toddobaad ee ugu dambaysay ee doorashada ay ku dhammaatay Sabtidii, ayaa xaqiijiyey dhimashada dadkan.

"Magdhow lacageed oo dhan 1.5 milyan rupees [$18,000] ayaa la siin doonaa qoysaska dadka dhintay," ayuu Rinwa u sheegay suxufiyiinta maanta oo Axad ah.

Hindiya wax cusub kuma aha heerkulka xagaaga. Laakiin sannado badan oo cilmi baaris cilmiyeed ah ayaa lagu ogaaday in isbeddelka cimilada uu keenayo kulaylka inuu noqdo mid sii dheeraada, soo noqnoqda oo aad u daran.

Dhanka kale, codbixintii dhacdey fiidnimadii Sabtida ayaa la saadaaliyay in Ra'iisul Wasaare Narendra Modi uu ku guuleysan doono mar saddexaad oo isku xigta oo xafiiska ah.

Modi ayaa waxa ay u badan tahay in dib loogu soo doorto aqlabiyad xooggan, isagoo helaya inta badan kuraasta Lok Sabha, oo ah aqalka hoose ee baarlamaanka Hindiya.

Ku dhawaad ​​hal bilyan oo Hindi ah ayaa loo diwaan galiyay inay ka coddeeyaan doorashooyinkii todobada waji lahaa ee la soo agaasimay in ka badan lix toddobaad lana soo gabagabeeyay fiidnimadii Sabtida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM