Ingiriiska oo wadahadal ugu baaqay Dowlada federaalka iyo Jubaland

Image
Safaaradda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay in la iska-indho-tiray baaqoodii ahaa in aan gacan ka hadal loo bedelin xiisadaas siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa si kulul uga hadashay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Raaskambooni ee u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin in xiisadda siyaasadeed ee dowlada federaalka iyo Jubaland ay isku rogtay gacan ka hadal.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay in la iska-indho-tiray baaqoodii ahaa in aan gacan ka hadal loo bedelin xiisadaas siyaasadeed.

“Dhacdooyinkan laga baaqsan karay ee xasilooni darada u horseedaya Jubaland waxay wiiqayaa ammaanka Soomaaliya waxayna kaliya faa’iido u yihiin Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah loogu cambaareeyay jaritaanka isgaarsiinta iyo xayiraada dhanka socdaalka taasoo si weyn u saameysay dadka shacabka ah.

“Boqortooyadda UK waxay dalbanaysaa xasilooni waxaana xoojineynaa baaqyadda dhamaan dhinacyada ee ku aadan in la aado wadahadal si loo helo waddo lagu gaari karo dib-u-heshiisiin,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM