Iska Horimaad Culus oo Ka Dhacay Xaawo Cabdi iyo Lafoole, Duleedka Muqdisho

Image

LAFOOLE, Soomaaliya - Iska horimaad xoogan ayaa ka dhacay dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Hawo Abdi iyo Lafole, kuwaas oo ku yaal duleedka Muqdisho.

Iskahorimaadkani ayaa yimid markii xubno katirsan Al-Shabaab lagu arkay gudaha labada deegaan oo ku dhaw magaaladda Muqdisho. Ilaa iyo hadda, mas'uuliyiinta dowladda kama aysan hadlin xaaladda ka taagan goobaha dagaalka.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaeda ayaa soo bandhigtay sawirro ay ku muujinayaan inay howlgallo ka fuliyeen aagga laga ilaaliyo Caasimadda. Kooxda ayaa weerartay goobaha ku dhow caasimadda todobaadkan, oo Ceelasha iyo Xaawo Cabdi ay kamid yihiin.

Tan iyo markii Ramadan-ka billowday, Al-Shabaab ayaa weerartay deegaano ay dowladda maamusho oo Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ku yaalla, kuwaasoo kooxda u aragto inay muhiim u yihiin qabshadooda.

Kooxda ayaa isku dayday inay disho Madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii Talaadii qarax miino kula eegatay kolonyadiisa Isgoyska Ceel-Gaabta, ee Muqdisho xili uu kusii jeeda Garoonka Aadan Cadde si ugu raaco diyaarad helicopter ah oo geysay Aadan Yabaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM