Israa’iil oo diidday shuruudaha Xamaas ay ku sii deynayso maxaabiista

Image
Wargeysyada Israel ayaa laga soo xigtay shuruudaha Xamaas ay ku sii daynayso maxaabiista Israel.

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay diidmada wax uu ku tilmaamay shuruudaha "is-dhiibidda" oo ay soo jeediyeen Xamaas.

Netanyahu ayaa yiri: "Waxaa nagu waajib ah inaan soo celino dhammaan maxaabiista, laakiin waxaan si cad u diidayaa shuruudaha Xamaas ee is-dhiibida,".

Wuxuu intaas ku daray "Xamas waxay dalbanaysaa in dagaalka la joojiyo oo ciidamadeenna aan ka saarno Qasa si ay u sii daayaan Maxaabiista, haddii ay taasi dhacdo, waxay dhaawacaysa ehellada Ciidamadeena ku dhintay dagaalka ."

Wargeysyada Israel ayaa laga soo xigtay shuruudaha Xamaas ay ku sii daynayso maxaabiista Israel, kuwaas oo kala ah:

1- In si buuxda loo joojiyo dagaalka.
2- Ka bixitaanka ciidamada Israel ee Marinka Qasa.
3- Damaanad caalami ah ee lagu ilaalinayo xukunka Xamaas ee Marinka Qasa.
4- In aan la daba gelin madaxda Xamaas.

GaroweOnline.

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM