Israa'iil oo sheegatay qabashada qof doonayay ku biirida ISIL-Somalia

Image
Eedeysanaha oo da’diisa lagu sheegay 17-sano iyo bar ayaa sameeyay diyaar-garow xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa dhawaan xiray qof deggan waqooyiga dalkaas, kaddib markii looga shakiyay inuu isku diyaarinayo ku biirista Daacishta Soomaaliya, sidda uu booliska Israa’iil shaaca ka qaaday Isniintii.

Eedeysanaha oo da’diisa lagu sheegay 17-sano iyo bar ayaa ka soo jeeda Tuulada Ara ee Waqoyi-bari ee Hadera oo ku dhow Muslimiinta, waxaana gacanta ku dhigay Askar ka tirsan Boliska Degmadda Xeebta iyo Hay’adda Ammaanka Israel (Shin Bet).

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in tuhmanaha uu sameeyay diyaar garow ballaaran oo uu ugu biirayo ISIS, oo ay ka mid yihiin qoraal dardaaran ah, aruurin dhaqaale, dalbashada baasaboor ajnabi ah iyo xiriirinta “canasirta cadawga” ee internetka.

Tan iyo markii Xamaas ay bilowday dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah maamulka Yahuudda 7-dii October, maamulka Israa’iil waxa uu sheegtay "inay fashiliyeen qorsheyaal badan oo argagixiso oo xiriir la leh Daacish".

Bishii Abriil, afar qof Carab ah oo ka yimid bariga Quddus oo ku dhaartay inay daacad u yihiin ISIS, kuwaas oo laba ka mid ah qorsheynayay inay weeraraan saldhig booliis oo u dhow garoonka ciyaaraha ee Teddy ee caasimadda, ayaa lasoo taagey maxkamad Israa'iil ah.

Bishii la soo dhaafay, ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa xiray afar Falastiiniyiin ah oo qorsheynayay weeraro ay kooxda Daacish ka dhanka ah ciidamada Yahuuda iyo Samaariya.

22-kii Jannaayo, ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay weerar ay soo maleegtay kooxda Daacish oo la doonayay in lagu qaado meel u dhow xarunta Knesset ee magaalada Qudus.

Horaantii sanadkan, afhayeenka ISIS Abu Huthaifa al-Ansari ayaa waxa uu ugu baaqay taageerayaasha kooxda ee caalamka inay weeraraan dhulka Yuhuuda oo ay uga aargudaan dilka ay ciidamada difaaca Israel ku dileen argagixisada Xamaas ee Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM