Itoobiya oo dib-uga-guraneysa heshiis-beenaadkii ay la gashay Somaliland

Image
Talaabadan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli uu sii xoogeysaneyso cadaadiska caalamiga ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa waxa ay ka fekereysa inay meesha ka saarto qorshaha ay ku aqoonsanayso maamulka Somaliland, sidda laga soo xigtay Majaladda Afka Dheer ee Bloomberg.

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay jiraan cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda gobolka ee ka dhalatay hindisahaas, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah arrintan.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa heshiis hordhac ah la gashay Somaliland bishii January, heshiiskaas oo ka dhigaya in ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada maamulkan ka tirsan Soomaaliya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa, sidda laga soo xigtay heshiiska, waxa ay aqoonsiga ku badalaneysaa in ay muddo 50 sano ah adeegsato 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliya kana dhigo saldhig ciidan.

Heshiisku ayaa buuq siyaasadeed waxa uu ka dhex dhaliyay dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo ay ku dhawaadeen in ay isku-adeegsadeen erayadda ugu adag.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay difaaci doonto madaxbanaanida dhulkeeda, waxayna taageero ka heshay Masar halka dalalka kalena ay soojeediyeen taxadar dheeri ah.

Dib-u-gurashadda ay sameyneyso Itoobiya ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli Kenya ay kala hadashay Muqdisho iyo Addis Ababa in ay dajiyaan xaaladda ayna isugu yimaadaan miiska wadahadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM