Jabuuti oo Walaac Ka Muujisay Xiriirka Sii Kordhaya ee Xasan Shiikh iyo Eritrea

Image

DJABOUTI | Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia iyo dowladda Jabuuti ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in cabasho weyn loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Cabashadan ayaa la xiriirta walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu Xasan Shiikh si toos ah ugu gudbiyay walaac weyn oo uu ka qabo awood sii kordheysa oo uu Afwerki ka helayo xiriirka Soomaaliya. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay kulankii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Eritrea oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, isagoo su’aal geliyay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho oo halkii loo doortay Asmara.

Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ayaa muddo dheer ahaa mid cakiran, waxaana labada dal ka dhexeeya khilaaf dhuleed oo xasarad keenay. Haatan, dowladda Jabuuti ayaa ka welwelsan in xiriirka dhow ee Xasan Shiikh la leeyahay Eritrea uu sii wiiqayo mowqifka Jabuuti ee gobolka.

Tan iyo markii Xasan Shiikh xilka la wareegay, siyaasadaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay keeneen jahawareer ku yimid xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka, iyadoo xiriirka cusub uu la yeeshay Eritrea sii kiciyay xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,  Jabuuti iyo Itoobiya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM