Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Image

MUQDISHO, 21 Luulyo 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah Abdirashiid Janan ugu magacowday Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo, isla markaana loo dhiibay hoggaanka guud ee hay’adaha amniga ee gobolkaas.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo Villa Soomaaliya ay wado qorshe ballaaran oo ay ku saameyneyso siyaasadda gobolka Gedo, islamarkaana ay faro-gelin ku sameyneyso arrimaha gudaha ee Jubbaland, xilli doorashada guud ee 2026 ay soo dhowaaneyso.

Abdirashiid Janan ayaa ah shaqsi muran badan dhaliyey, waxaana si rasmi ah Qaramada Midoobay ugu eedeysay dambiyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2015. Eedeymahaasi waxaa ka mid ah dilal aan sharciga waafaqsanayn, jirdil, xabsi sharci-darro ah iyo u gudbin dad si qasab ah loo wareejiyay (renditions) — dhammaan waxaa lagu tilmaamay falal si weyn u dhaawacaya xeerarka caalamiga ah.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si adag uga hadlay magacaabista Janan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo halis gelin karta ammaanka iyo xasilloonida Gedo, oo durba wajahaysa xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo kacsan.

Magacaabista Janan ayaa sidoo kale timid kadib markii Villa Somalia ay guuldarreysatay dadaallo militari oo ay horey uga waday degmada Raaskambooni, taasoo hadda keentay in xoogga la saaro gobolka Gedo, oo noqday meel istiraatiiji ah oo lagu wado olole siyaasadeed iyo mid amni.

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan, iyadoo dadka deegaanka iyo siyaasiyiinta Jubbaland ay muujinayaan walaac weyn oo ku aaddan saameynta uu arrintani ku yeelan karo deganaanshaha gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM