Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo Is casilaya Kadib Fashilkii Aadan Yabaal 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dib u habeyn ku sameeyo hogaanka sare ee ciidanka qaranka, kadib markii Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu gudbiyay is casiladiisa.

Is casilaadda Jeneraal Odowaa po wali lashaacin, ayaa timid kadib markii Al-Shabaab ay dib u qabsatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo ahayd saldhig muhiim u ah ciidamada dowladda, oo laga qorsheyn jiray howlgallada militeri ee gobolkaas.

Odowaa ayaa xilka laga qaadey June 2023, iyadoo dib loogu soo celiyay markale Nov, 2024, isagoo hadda oo wax ka yar sanad jooga xafiiska iska-casilayaa xilka, maadaama uu jiro fashil dhanka dagaalka Al-Shabaab, oo madaxda sare qeyb ku leeyihiin, maadaama isbedello joogto ah ku sameeyeen taliyaasha Ciidamada militeriga.

Weerarka Al-Shabaab ee Aadan Yabaal ayaa sababay khasaarooyin nafeed oo askar iyo Saraakiil lagu waayay iyo hub badan, iyadoo ciidamada dowladda ay ku khasbanaadeen inay ka baxaan magaalada markii dhowr jiho xili ay huradyeen lagu qaadey 16 Apr 2025.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay 10 saldhig oo milatari ah, halka saraakiisha dowladda ay sheegeen inay iska difaaceen weerarada Kooxda.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Taliska militeriga kadib markii dowladda gacanteeda ka baxday Aadan Yabaal, waxaana taliyeyaasha ku canaantay fashilkaas, maadaama uu dhabar-jab ku yahay howlgalkii socday.

Xasan Sheekh ayaa booqday Aadan Yabaal March 2023 kadib markii lala wareegay dhamaadkii 2022, si uu taageero ugu muujiyo ciidamada, balse weerarkii Al-Shabaab ayaa muujinaya in kooxda ay sii kordhinayso awooddeeda iyo weerarradeeda gobolka.

Dowladdu waxay hadda wado qorsheyaal lagu xoojinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la filayo in la magacaabo taliyayaal cusub oo hogaamin doona hawlgalladaas.

Is casilaadda Jeneraal Odowaa iyo dib u habeynta hogaanka sare ee ciidamada ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay awood u la'dahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo soo celinta amniga dalka, sida ay sheegeen khubarada militeriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM