Jowhar oo laga daahfuray mashruuc waxtar u leh 300-kun beeraleey ah

Image
Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya.

JOWHAR, HirShabelle - Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa si rasmi ah maanta looga daah-furay mashruuca biyo xireenka Sabuun-FAO oo waxtar u leh in ka badan 300-kun oo beeraleey ah.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u daah-furay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeen Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha.

“Mashruuca Sabuun-FAO oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah waxaan hubbaa in kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay ku-simaha Ra’iisulwasaaraha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM