Jubaland: DFS waxay caadaysatay ku tumashada Dastuurka

Image
Maamulka Axmed Madoobe ayaa si weyn uga hor-yimid ansixinta xeerka dhismaha Guddiga doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn wuxuu uga hor-yimid ansixinta xeerka dhismaha Guddiga doorashooyinka kaasoo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA JUBALAND

Dowladda Jubaland waxay markasta u taagan tahay ilaalinta Dastuurka, qawaaniinta iyo xeerarka u yaala dalka.

DFS waxay caadaysatay ku tumashada Dastuurka, xeerarka kale ee dalka u yaala iyo latashi la'aanta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Somaaliya ee arrimaha masiiriga ah ee taabanaya masiirka ummada Soomaaliyeed.

Dawladda Jubaland waxay mar kale cadeeynaysaa in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka ee sharci darada ah ee aan heshiiska lagu aheyn ee Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn. Waxaa xusid Mudan in Aqlabiyada xildhibaanada Barlamaanka ee Ku matala DXDF ee Jubaland iyo Puntland aaney qayb ka ahayn kalfadhiyadii la hor keeney xeerka doorashooyinka Qaranka.

Talaabada sharcidarada ah ee maanta Baarlamanka qaaday iyadoo wadahadalo iyo waan waan socotay Waxay cadeyn u tahay in madaxda dalka aysan diyaar u ahayn wadahadal, isdhagaysi, isixtiraam, iyo tanaasul loo sameeyo ummada Somaliyeed lana dhawro dastuurka, iyagoo caadeysatey dhaqanka ah "loo joojin mayo" oo keenaysa Qalalaaso iyo hubanti la'aan siyaasadeed oo hada sii xoogaysanaysa.

Waxaa ayaan daro ah in Madaxda DFS ay dhegaha ka fureysteen baaqyada iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo Bulashada Somaliyeed, iyagoo ay u cadahay waxa ay rabaan oo kaliya oo ah in labada Aqal ee Baarlamaanka ay marsadaan xeerar iyo habraacyo aan loo dhamayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM