Jubaland Maka Qeyb-gali doontaa Wadahadalka Uu Xasan Sheekh Ku Baaqay?

Image

Kismaayo – Jubaland ayaa si cad u muujisay shaki ka dhan ah ka qeybgalka wadahadal qaran oo uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo kor u sii qaaday walaaca laga qabo dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee daba dheeraaday ee ka jira dalka.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Cabdifaatax Maxamed Mukhtaar, ayaa Khamiistii sheegay in maamulka Jubaland uusan raaci doonin amarro ka yimaada Villa Soomaaliya. 

“Jubaland waxay ka baxday shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 7-dii Oktoobar 2024,” ayuu yiri Cabdifaatax. “Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu illoobay, ha la xasuusiyo: Jubaland lagama maamulo Villa Soomaaliya. Annaga ayaa ka tashanayna masiirkeena.”

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dayayo in uu dib isugu keeno dowlad-goboleedyada si loo mideeyo dadaallada lagula tacaalayo caqabadaha siyaasadeed ee dalka horyaalla iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa sii xumaaday tan iyo markii ay ciidamo ka tirsan Jubaland la dagaalameen kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Diseembar 2024, meel u dhow degmada istiraatiijiga ah ee Ras Kambooni oo ku taalla xuduudka Kenya. Jubaland waxay sheegtay inay la wareegtay degmadaasi, halka dowladda Federaalka ay ku eedeysay maamulka Jubaland inuu huriyay dagaalka islamarkaana uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab—eedaas oo Jubaland si adag u beenisay.

Mas’uuliyiinta Jubaland waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay si siyaasadaysan u adeegsanayso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) si ay u qasabto maamul goboleedyada madax-bannaan. Waxay sidoo kale ku dhaliileen dowladda inay hakisay mashaariic horumarineed, leexisay gargaar bini’aadantinimo, isla markaana xayiraado saartay duulimaadyada rayidka si cadaadis loogu saaro Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo mar saddexaad dib loo doortay bishii November 2024 inkasta oo dowladda dhexe ay diidmo ka keentay, ayaa hadallo kulul ku dhaliilay dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay isku beddeshay “shirkad gaar loo leeyahay” oo ku koobban Muqdisho isla markaana aan tixgelin u haynin baahiyaha dowlad-goboleedyada.

Kalsooni darrada labada dhinac ayaa sidoo kale gaartay meeshii ugu hooseysay. Jubbaland ayaa diiday qorshaha dowladda Federaalka ee codbixinta tooska ah, iyadoo beddelkeeda ku qabatay doorasho dadban. Dowladda Federaalka ayaa si cad u sheegtay in doorashada Axmed Madoobe aysan sharci ahayn, waxayna soo saartay amar lagu soo xirayo—taas oo Jubbaland ku jawaabtay iyadana amar la mid ah oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM