Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Image
Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

KISMAAYO, Jubaland - Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 4-ruux oo looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan Maraakiibta ku sugan Biyaha Soomaaliya.

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaan xeebeed u dhaw Kismaayo oo qiyaastii 70km dhanka koonfureed kaga beegan, Sabtidii.

Howlgalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli xeebaha Soomaaliya ay kusoo badanayaan weerarada shufta badeeda kuwaas oo beegsanaya maraakiibtw caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM