Jubaland oo soo celisay ciidamo ay ka qabatay Dowladda federaalka

Image
Saraakiisha ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in lixdaan askari diyaarad loo saaray Muqdisho.

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland ayaa garoonka diyaaradaha Seyid Maxamed ee degmada Kismaayo diyaarad ka saartay 6 askari oo katirsan ciidanka Ilaalo Qaran, Haramcad iyo nabad sugidda qaranka qaybna ka ahaa ciidamadii dhowaan DFS geysey deegaanka Raaskambooni.

Saraakiisha ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in lixdaan askari diyaarad loo saaray Muqdisho si ay ugu laabtaan ciidankoodii iyo qoysaskoodii.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JUBALAND

Dawladda Jubaland ayaa qeybtii u dambeysay ee Ciidamadii sida khaldan uu u isticmaalayay Xasan Sheekh oo gaaraya 6 askari oo kala tirsan Nabadsugida, Harmacad iyo Ilaala Qaran maanta ka dirtay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan goordhow ee magaalada Kismaayo, iyagoo nabad qaba ayeey guryahooda ku noqonayaan.

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi iyo Taliyaha amniga Garoonka Kismaayo, Gaashaanle Dhexe Maxamed Xayi Axmed (Badar) ayaa si wadajir ah usii sagootiyey dhalinyaradan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM