Jubaland oo uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato Gedo

Image

Gedo, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa si adag uga digay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC) oo dhismihiisa lagu muransan yahay inuu ka fuliyo diiwaangelin codbixiye oo la xiriira doorashooyin maxaliga ah gobolka Gedo, iyaga oo aan wax is-afgarad ah la gaarin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in geedi-socodka doorashada uu noqon karo mid sharciyad leh oo keliya marka ay ka dhacdo is-faham dhexmara Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

“Doorasho kama dhici doonto Gobolka Gedo haddii aanu annagu oggolaan. Waxaan u sheegaya Guddiga Doorashooyinka in haddii ay tallaabo qaadaan iyaga oo nala tashan, ay cawaaqib xumo ka dhalan doonto,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Digniinta Guddoomiyaha ayaa muujineysa khilaafka weli taagan ee siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, kaas oo ku saabsan doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka, iyo hanaanka lagu hirgelinayo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Guddiga Doorashooyinka uu Xasan Sheekh dhisay ayaa horay u shaaciyay qorshayaal ay ku doonayaan in diiwaangelin codbixiye laga sameeyo dhowr gobol oo ay ka mid tahay Gedo, si loogu gogol xaaro doorashada dadweyne ee la filayo in ay dalka ka dhacdo 2026 – taas oo shaki badan laga qabo inay dhici karto.

Diiwaangelinta dadweynaha ayaa Talaadadii ka bilaabatay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dadweyne lagu siiyay kaararka codbixinta. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka degmada, oo uu ka mid yahay duqa Muqdisho, ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee is-diiwaangeliyay.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Al-Qaadi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM