Jubaland oo Villa Soomaaliya ku eedeysay sumcad dilka Axmed Madoobe

Image
Eedeymahan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha warbaahinta ee Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Xasan Xiis, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliya inay maalgelisay olole lagu aflagaadeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo lagu sameeyay baraha bulshada.

Xiis ayaa ku andacoonaya in C/qaadir Cali Dige oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Villa Somalia uu soo agaasimay dacaayad laga faafiyay baraha bulshada oo lagu doonayay in lagu sumcad dilo Madaxweyne Madoobe.

“Madaxweyne, weli rajo ma ka qabtaa ergada aad u direyso inay xalliyaan khilaafka jira, iyadoo Agaasimahaaga Warfaafinta iyo Xafiiskaagu ay lacag ku bixinayaan aflagaadada iyo dacaayadda ka dhanka ah madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,?" Xiis ayaa hadalkiisa ku daray isagoo soo xiganaya qoraal la sheegay inuu Dige u diray faafinta ololaha.

Eedeymahan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo galay maalintii shanaad.

Madaxweyne Madoobe ayaa ka horyimid in dowladda Federaalka ay wado doorasho qof iyo cod ah, isagoo u ololeynaya doorasho dadban oo la mid ah tii Jubbaland ka dhacday 2019-ka.

Dowladda Federaalka oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa u ololeynaya in doorasho mideysan oo hal qof iyo cod ah ay ka dhacdo guud ahaan Soomaaliya, taasoo uu Madoobe diidan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM