Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya  - Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, General Yusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulku uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe oo uu sheegay inuu uu saameyn dhinaca amniga ku yeeshay Jubbaland.

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo dalka Kenya ku maqnaa.

Jubaland ayaa dowladda Federaalka isku khilaafeen nidaamka doorashaddii ka dhacday sanadkii hore magaaladda Kismaayo, oo Villa Somalia rabtay in loo qabto sida ay doonaysay ee ah qof iyo cod iyo arrimaha dastuurka oo dood badan ka taagan tahay.

Axmed Madoobe ayaa la kulmay cadaadis badan markii uu ka baxay Shirarkii wadatashiga, islamarkaana joojiyay wada-shaqeyntii dowladda Federaalka, oo mudo-kordhin sharci-darro ah raadinaysa, iyadoo ka dhiganaysa marmarsiiyo doorasho qof iyo cod ah inay qaban doonto.

Kala qeybsanaan xooggan oo siyaasadeed iyo khilaafaad badan ayaa ka jira Soomaaliya, oo ka timid hogaanka Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay jebinta qodobo dastuurka kamid ah iyo wadatashi la'aan, isagoo isku dayay inuu awood ciidan u adeegsadao Axmed Madoobe, oo duulaan ku qaadey Jubaland, balse looga adkaadey.

GAROWE ONLNE 

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM