Jubaland oo xiirika u jartay DFS, eedeymo culusna u jeedisay Xasan Sheekh

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Shirka Gollaha Wasiiradda Jubaland, ayaa lagu shaaciyay Maanta in maamulka Axmed Madoobe xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana eedeymo culus loo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jubaland ayaa ku eedeysay Xasan Sheekh musuq-maasuq, ku tagri-fal awoodeed, eex, hurin dagaal sokeeye iyo burburinta Ciidamada qaranka Soomaaliya, waxaana intaasi dheer inuu jebiyay dastuurka dalka iyo nidaamka Federaalka.

Waxay Jubaland shaacisay inaysan aqoonsanayn wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay iyo ansixinta uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay sharciyadda doorashooyinka oo ah kuwa u adeegaya hal xisbi iyo hal shaqsi, taasina ay ka dhigan tahay afegmbi ay damacsan yihiin madaxda hadda ku sugan Villa Somalia.

Tani waxay muujinaysaa inuu dalka sii galayo xaalad hubanti la'aan ah, iyadoo khilaafka siyaasadda caqabad ku yahay dagaalka AS iyo sugida amniga dalka, oo la filayo inay Ciidamada ATMIS ka baxaan bisha dambe dhamaadkeeda.

Sanadkii tagey, Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda dhexe, waxayna sheegtay inay iskeeda isku xukumayso illaa laga saxayo qaladaadka Villa Somalia ee ku tumashadda dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Jubaland iyo dowladda Federaalka ayaa is dhaafsaday shalay qoraal maxkamadeed oo lagu soo xirayo Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, waxayna isku jeediyeen labada dhinaca eedeymo aad u culus, oo dhaawac ku ah qaranimada Soomaaliya, iyadoo sii kala fogeynaysa shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM