Jubaland: Xasan Sheekh ayaa amray weerarka lagu qaadey Doolow

Image
Madaxtooyadda Jubaland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartey dagaalkii ka qarxay magaaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubaland oo war qoraal ah soo saartey ayaa sheegtay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu amray weerarka lagu qaadey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADDA

Dagaal ooge Xasan Sheekh Maxamuud o si wada gorshaha u ku khalkhal galinayo nabadgalyada deegaanada Jubaland ayaa manta weerar ku qaaday Degmada Doolow ee gobolka Gedo o ahayd deegaan nabad ah sanadahii lasoo dhaafay.

Ciidamo katirsan Hay'adda Nabadsugida o0 uu amray dagaal ooge Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weeraray garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow, Saldhiga Booliska iyo xarunta degmada iyadoo looga gol leeyahay in lagu wiiqo amiga yo hanaanka maamulka
deegaanka.

Dowladda Jubaland waxy cadeeynaysa in masuuliyada khasaaraha weerarkaas gardarada ah ka dhashay u qaadayo dagaal ooge Xasan sheekh Maxamuud oo aan ka waantoobin in u dagaalo ahli ah o khasaare badan ka dhasho ka huriyo deegaanada Jubaland tan yo 2013kli.

Xiisadan ayaa timid kadib markii dagaal ooge Xasan sheekh Maxamuud u gobolka u diray koox gaswadayaal ah oo doonaysa in gobolka ay ka huriyaan colaado daba dheeraada oo aan aaminsanahay hadii aan laga hortagin in bogolaal qof ay ku dhiman karaan kumanaana ay ku barakacayaan taas o horseedi karta macaluul baahsan o gobolka ku dhufata.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Baardheere Mudane: Adan Muxumed Dhagocadde ayaa ka badbaaday isku day la doonayay in lagu dilo howshaas oo ay soo abaabuleen kooxda dagaal ooge Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Jubaland waxay ogaysiinaysa dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in wixii khasaaro ah ee ka yimaada qulqulatooyinka dagaal ooge Xasan Sheekh uu ka wado gobolka Gedo ayna cidna la wadaagi doonin dagaal ooge Xasan Sheekh oo ka baxay xayndaabkii Dowladnimada.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM