Kadib markuu ka badbaadey Qarax, Xasan Sheekh oo ku baaqey in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Image

MOGADISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku booriyey Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA) ee ku sugan jiida hore ee dagaalka inay xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in guushu ay dhowdahay.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in dalka uu ku socda wado wanaagsan, lana sugayo amniga shacabka, isagoo tilmaamay in jawaabta ay ka timid ciidamada dagaalka ku jira ay noqotay mid aad u xooggan.

In kasta oo ciidamada ay mas’uul ka yihiin amniga qaranka, ayuu madaxweynuhu sheegay hadii shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga la gaari doono guulo deg deg ah, maadaama dagaalka uusan ahayn mid dowladda kaliya ku filnayn.

"Cadaawuhu waa hal – waa dagaalyahanada Al-Shabaab, dagaalna wuxuu noqon karaa mid ilaa afkaaga, " ayuu madaxweynuhu yiri intii uu khudbada u jeediyey ciidamada iyo saraakiisha milatariga ee ku sugan Shabeellaha Dhexe.

Tani waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu sheegay in golahiisa wasiirradu ay u soo wareegi doonaan jiida hore ee dagaalka, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay taageeraan Ciidanka oo uu ku amaanay howlgallada milatariga ee socda iyo sida loo baabi'iyey khatarta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada bishan, iyadoo isku dayday inay qarax ku disho Xasan Sheekh 18kii March xili uu kusii jeeday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM