Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Image

Nairobi – Kenya ayaa bilowday dadaal diblumaasiyadeed oo ay ku doonayso inay ku dhex-dhexaadiso Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh  iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay isbeddelada dastuurka iyo hannaanka doorashada.

Ujeedada Kenya ayaa ah in la isu keeno Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), wada-hadal fool ka fool ah oo ka dhacaya Nairobi, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow arrimahaasi.

Xiisadda ayaa korortay kadib dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Raskambooni iyo Beled-Xaawo ee ku teedsan xuduudda Kenya, taasoo sidoo kale saameyn ku yeelatay magaalooyin Kenya katirsan ee dhaca xadka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay inay ka war hayaan xiisaha Kenya ee dhexdhexaadinta, balse aysan helin wax oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Villa Soomaaliya. 

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka iyo qaabka loo wajahayo doorashooyinka mustaqbalka, iyadoo loo arko arrin halis gelin karta xasilloonida nidaamka federaalka ee dalka.

Kenya, oo door muuqda ku lahayd nabadeynta Soomaaliya tan iyo markii burburku dhacay, ayaa weli aan si rasmi ah uga hadlin dadaalkeeda cusub – sidoo kale dowladda Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo arrintan ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM