Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Image

Nairobi – Kenya ayaa bilowday dadaal diblumaasiyadeed oo ay ku doonayso inay ku dhex-dhexaadiso Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh  iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay isbeddelada dastuurka iyo hannaanka doorashada.

Ujeedada Kenya ayaa ah in la isu keeno Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), wada-hadal fool ka fool ah oo ka dhacaya Nairobi, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow arrimahaasi.

Xiisadda ayaa korortay kadib dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Raskambooni iyo Beled-Xaawo ee ku teedsan xuduudda Kenya, taasoo sidoo kale saameyn ku yeelatay magaalooyin Kenya katirsan ee dhaca xadka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay inay ka war hayaan xiisaha Kenya ee dhexdhexaadinta, balse aysan helin wax oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Villa Soomaaliya. 

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka iyo qaabka loo wajahayo doorashooyinka mustaqbalka, iyadoo loo arko arrin halis gelin karta xasilloonida nidaamka federaalka ee dalka.

Kenya, oo door muuqda ku lahayd nabadeynta Soomaaliya tan iyo markii burburku dhacay, ayaa weli aan si rasmi ah uga hadlin dadaalkeeda cusub – sidoo kale dowladda Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo arrintan ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM